Madaxweyne Farmaajo oo garoonka diyaaradaha kula kulmay Taliye Mareykan ah – SAWIRO

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha iyo Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Thomas Waldhauser iyo Saraakiil uu hoggaaminayay.

Kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen M. Schwartz.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, tababarka iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sidoo kale laga wada hadlay howl gallo ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasoo qorshihiisu yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan, iyadoo Mareykanka uu ka qeyb qaadan doono howl galadaas.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ku leh saldhigyo qarsoodi ah oo ay ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, waxaa ka mid ah garoonka Balli-doogle oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Mareykanka tababaray.

Mareykanka ayaa dhowaan Soomaaliya u soo diray Ciidamo tababaro siinaya Ciidamada Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu amray in la kordhiyo howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la siiyay Ciidamada Mareykanka awoodo dheeraad ah.

Horaantii bishan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, loogana saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin, waxaana Madaxweynuhu caddeeyay in dalka ku jiro xaalad dagaal.