Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Madaxweynaha Turkiga -SAWIRO

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed C/laahi Farmaajo  booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa caawa la kulmay  dhigiisa waddanka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xarunta madaxtooyada dalkaasi ee caasimada Ankara ku qaabilay Madaxweyne farmaajo,waxayna  ka wada hadlaya xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Waddamada  ee Turkiga iyo Soomaaliya.

” wax badan oo ayaa labada wadan si wadajir u gaareen, wax badan hor lehna way wada gaari doonaan labada wadan iyo labada shacab” ayaa lagu soo qoray barta twitterka ee villa Soomaaliya

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waftiga uu hoggaaminayay ayaa booqday barlamaanka turkiga, iyagoo la kumay xildhibaano ka tirsan xisbiga Erdogen ee AK part, waxaa kaloo uu la kulmay afhayeenka barlamaanka turkiga  Ismail Kahraman.

Booqashadda madaxweynaha oo muddo saddex Maalmood ah soconaysa, inta uu joogo wuxuu la kulmi doonaa maasuuliyiin sar sare oo dalka turkiga, shirkado ganacsi, hay’adaha gargaarka ee dalkaasi iyo jaaliyadda iyo ardayda Soomaalida ee dalkaasi ku nool.