Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya

Madaxweyaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa warqadaha Aqoonsiga Danjirinimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Itoobiya  dhowaaan u soo magacaawday inuu fariisto Magaaladda muqdisho ee Xarunta Soomaaliya

Safiirka cusub oo lagu magacaabo jamaamulidiin Mustafa Cumar oo nin muslim wuxuu bedelay safiirkii hore ee dowladda ethiopia u qaabilsanaa Soomaaliya oo xilkaasi laga bedelay ka dib markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay u qaabilay danjirayaal cusub oo qaarkood loo soo magacaabay soomaaliya si loo xoojiyo Xiriirada soomaaliya kala dhaxeeya caalmka.

Dhinac kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maalinta arbacada ee toddobaadkan booqdo magaaladda Adis-ababa, halkaasi oo la filayo inuu la kulmo Ra’isul Wasaaraha Ethiopia.