Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo boqolaal dadweynaha Magaalada  Gaalkacyo kula tukaday Salaada Ciidul Adxaa garoonka kubbada – SAWIRO

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha  Eng. Cabdixakin Camey iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Puntland  ayaa saaka boqolaal dadweynaha Magaalada  Gaalkacyo kula tukaday Salaada Ciidul Adxaa garoonka kubbada cagta ee Cawaale

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo salaada kadib qudbad ujeediyay dadweynaha ayaa la wadaagay farxada ciida Adxada isagoo dadka reer Puntland urajeeyay nabad iyo barwaaqo iyo Soomaaliya oo  hesha dowladd cadaalad ku dhisan.

Eng Camay ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka iyo go’aanada dowladdu kusoo rogtay gaadiidka uga yimaada koonfurta Soomaaliya, wuxuuna mar kale ku celiyay dowladda Puntland inaysan ujeedo kale  ka lahayn tilaabooyinka ay qaadayso, balse ay ku xaqiijinayso amaanka dulkeeda.

g2

g3

g4

g5

g6

g7

g8

g1
PUNTLAND POST