Madaxweyne Xaaf oo Ku Dhawaaqaya Goordhow Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goordhow ku dhawaaqaya Golihiisa Wasiirada.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Xaaf uu goordhow ku dhawaaqayo Liiska Golihiisa wasiirada.

Xaaf ayaa sooo dhameeyay wada hadalo iyo kulamo uu la lahaa bulshada Gal-Mudug iyo siyaasiinta uu wadatashiyo kala sameeynayay Magacaabista Golaha wasiira Gal-Mudug.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in ay soo laabanayaan qaar kamid ah golihii hore ee wasiirada sidoo kalena ay ka soo dhex muuqan doonaan Wajiyo cusub oo wasiiro ah.

Waxaa xusid mudan in uu wali jiro qilaaf u dhaxeeyo madaxda Maamulka Gal-Mudug Sida Madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isku moowqif ah iyo Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Sh Shaakir iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Gal-Mudug oo isku Moowqif ah.