Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo xileedkiisii sharciga ah ay maanta dhammaatay iyo afar qodob oo lagu xasuusan doono

4 sano ayaa ka soo wareegatay markii uu talada qabtay Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtiga uu ka dilaaday.

Mr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudada uu xilka hayay inta badan qeybaha Bulshada Soomaaliyeed sheegaan in uu daruufihii ugu darnaa dalka uu wajahay.

Dhibaatooyinka daashaday dowladdii uu majaraha u hayay Xasan Sheekh Maxamuud ayna ku fashilantahay wax ka qabashadooda ayaa la tilmaamaa in ay ka mid ahaayeen.

1: Amni xumo

2: Dhaqaalo darri

3: Musuqmaasuq

4: ku tagri fal awoodda dowladda iyo qodobo kale.

Hadaba Axsaabta Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud maadaama uu xilka mudadii loo igmaday ka dhamaaday in uu si KMG ah ugu dhiibo hoggaanka guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Siyaasiga Daahir Cirro ayaa Xasan Sheekh ka dalbaday in uusan isku dhajin kursiga looga arrimiyo dalka.