
Madaxweynaha dowlada Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa hurdo dheer galay xili uu ka qeyb galayey kulan muhiim ah oo uu lahaa baarlamanka wadankaas.
Shacabka reer Koonfur Afrika ayaa ku sii jeeday khudbad uu baarlamaanka ka jeedinayey Wasiirka Maaliyadda ee waddankaas Pravin Gordhan.
Wuxuu ka hadlayey wasiirku miisaaniyadda dalkaas oo aad loo wada sugayey, iyadoo uu dalkaas ka jiro cadaadis dhaqaale, iyo su’aalo ka taagan lacagaha waxbarashada lagu bixiyo, iyo wasiirka oo qudhiisa muran siyaasadeed lugaha la galay.
Madaxweyne Jacob Zuma ayaa jiifay intii ay socotay khudbadaas dheer ee uu wasiirku jeediyey, waxaana dadka hareer fadhiyey madaxweynaha ay sheegeen inuu ku sigtay kursiga inuu ka dhaco siduu u hurdayey.
Shacabka wadanka koonfur afrika ayaa la yaab iyo fajac waxaa ku noqday in madaxweynahooda uu hurdo dheer iskaga jiray intii ay socotay khudbada miisaaniyada dalkaas looga hadlayey oo aheyd mid xasaasi ah, xafiiska madaxweynaha dalkaasna war kama soo saarin illaa hadda.