Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay Musharaxa Madaxweynaha Soomaaiya – SAWIRO

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu magaalada Muqdisho uga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada sanadkan 2016 dalka ka dhici doonta.

Munaasabad qado aheyd oo ka dhacday Hotelka City Palace magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen ku dhowaad 2-kun oo ruux oo isugu jiray Xildhibaano, siyaasiyiin, Saraakiil ciidan, aqoonyahano, haweenka, dhalinyarada, odayaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka ayaa waxaa uu ka cadeeyay inuu mar kale doonayo inuu qabto xilka hoggaanka qaranka

Khudbadihii laga jeediyay Munaasabada ayaa lagu soo hadal qaaday waxqabadkii Madaxweyne Shariif mudadii 3-dii sano ee uu hoggaaminayay dowladdii KMG iyo marxaladii uu dalka soo maray iyo sida dalka uga saaray xaaladii adkeyd.

Sidoo kale waxaa munaasabada lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo lagu muujinayay waxqabadkii Sheekh Shariif, waxaana dadka ay soo dhoweynayeen in mar kale dib loo doorto.

 

Sheekh Shariif ayaa munaasabada ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu ku sheegay in sababaha uu isku soo sharaxay ay tahay dad badan oo Soomaaliyeed inay ka dalbadeen inuu u istaago xilka Madaxweynaha, isagoo xusay inuu heysto khibrad iyo waaya aragnimo.

Khudbada Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ka muuqatay degenaan, iyadoo ka duwaneyd khudbadaha musharaxiinta kale oo hadaladooda u badnaa dacaayado iyo eedeyn dowladda hada jirta, waxaana uu ku dheeraaday waxyaabihii horay loo soo qabtay, halkii laga yimid iyo halka loo socdo.

“Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa mar walba iga dalbanayay inaan u istaago xilka hoggaanka Qaranka, waxaa aaminsanahay in aan ahay Musharax ku haboon marxaladan maanta la joogo, sababta wax kale ma ahan waa khibradii aan ka dhaxlay la shaqeyntiina, anigoo aaminsan khibrad ku filan ruuxa laga rabo inuu qabto hoggaanka qaranka inaan leeyahay marxaladan la joogo”ayuu yiri Musharax Sheekh Shariif oo intaa ku daray in waqtigii uu siyaasada ka maqnaa uu soo fahmay dowladnimada, isla markaana uu cashar ka soo bartay qaladaadkii hore, isla markaana uu hada yahay nin yaqaana dowladnimada.

Mr Shariif ayaa sheegay in 2004-tii illaa 2012 uu ku soo jiray arrimaha Siyaasada, waxaana uu tusaale u soo qaatay halgankii uu ku jiray isagoo dhalinyaro ahaa iyo markii uu xilka dowladeed qabtay, isagoo hoosta ka xariiqay in qof xil qaaday uu eed qaaday yahay.

“Waxaa aaminsanahay mudadii aan bilka hayay in wax la qabtay, waxaa ammaan u jeedinayaa dadkii ila soo shaqeeyay, waxaa Alle weydiisanayaa in Naxariistii Janno inuu siiyo dadkii naftooya ku waayay shaqada qaranka ee mas’uuliyada ley dhiibay igu caawiyay, waxaa u mahad celinayaa shacabka Soomaaliyeed taageeradooda iyo kalsoonida ay i siiyeen, kuwa ku faraxsan Musharaxnimadeeda meel kasta ay joogaan”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif oo hadlayay ayaa yiri “Waxaa u taaganahay xukun jaceyl ee waxaan u taaganahay bulshadeeda inaan u adeego, sharaf ayay ii tahay inaan soo hoggaamiyo dalkan, mar kale inaan codsado inay Xildhibaanada ii doortaan, si aan fursad ugu helo inaan u adeego bulshadeedan”

Mar uu ka hadlayay barnaamijkiisa siyaasadeed hadii loo doorto xilka Madaxweynaha ayuu sheegay in muhiimada ugu weyn siinayo ammaanka oo uu xusay inuu u leeyahay muhiimad gaar aheyd, hadii amni la helana ay soo laabaneyso noloshii dadka, isla markaana kor u kaceyso waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee aas aasiga ah.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay afartii sano ee uu ka maqnaa masraxa siyaasada ayuu sheegay inuu ujeedkiisa ahaa inuu fursad siiyo dowladda, isla markaana shaqadii uu soo qabtay in si wanaagsan loo ilaaliyo, kana ilaaliyo qaladka.

“Waxaa laga yaabaa inaa is weydiistaan afar sano waa iska maqneyd, hada ayaa yimid xil ayaa raadineysaa, sababta waxay aheyd ujeedada inaan fursad siiyo dowladda, waxaa la yiraahdaa aabaha iyo hooyada adduunka waxay u jecel yihiin ubadka, qofka madaxda ah shaqadii uu soo qabtay wuxuu jecel yahay in si wanaagsna loo ilaaliyo oo qaladka laga ilalaiyo, ilaalinta aan ilaalinayo ayay aheyd ee wax kale ma aheyn, maadaama xilli doorasho la soo gaaray sidaas ayay waqtigan ku soo aaday, maadaama dowladda ay tiri doorasho ayaa la qabanaa sidaas ayaa u imid”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in hadii xilka loo doorto uu la imaanayo qorshe iyo istiraatiijiyad cusub oo wax looga qabanayo cadawga, iyo la dagaalanka Alshabaab iyo Al-Qaacida, isagoo tilmaamay in ciidamada qalabka sida oo la dhiso ay tahay muhiim, si ay awood uga yeeshaan ka hortagida cadawga.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in iyadoo marxalad adag lagu soo jiro la bilaabay dhismaha ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in haddii la tayeeyo ciidamada, lana qalabeeyo, mushaarna la siiyo ay wax badan qaban doonaan.

Waxaa uu ka hadlay arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha, oo uu tilmaamay inuu xoogga saari doono sidii adeegyadii aas aasiga ahaa loo soo celin lahaa, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameyn doono shaqo abuur iyo jiheyn, maadaama 70% ay yihiin dhalinyaro.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in inta ogol ee ka tirsan Al-Shabaab wada hadal lala geli doono, isla markaana dhalinyarada la qalday loo sameyn doono wacyi gelin, si iyagoo muwaadinimo ah bulshadooda ula noolaadaan, waxaa uu qiray inay jiraan dad duruufo dhaqaale ugu biiray Al-Shabaab iyo kuwa wax tabanayay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii la doorto inuu dalka gaarsiin doono doorasho hal qof iyo hal cod, isagoo xusay in markii lagu soo doortay dalka Jabuuti sanadkii 2009 uu balan qaaday xilligaas in doorasho ka dhaceyso Muqdisho, isla markaana sanadkii 2012 ay dhacday sida uu hadalka u dhigay.

“Afarta sano ee soo socota waxaa rajeynayaa in dalka doorasho loo dareeri doono oo hal qof iyo hal cod, hadaa idin xusuusiyo doorashadii 2009 ee Jabuuti ka dhacday waxaa balan qaaday oo shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada u balan qaaday in doorashada labaad inay ka dhici doonto magaalada Muqdisho”ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in hadii la doorto uu ka shaqeyn doono cadaalad iyo hufnaan, isla markaana la dagaalami doono musuq maasuqa, tayeynta wasaaradaha dowladda, dhismaha doono hey’adaha dowladda, sida amniga, caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska, soo celinta adeegyada bulshada isla markaana uu xoojin doono xiriirka arrimaha dibadda.

dsc_0321 dsc_0363 dsc_0369 dsc_0430 dsc_0436 dsc_0490dsc_1047
dsc_0961dsc_0575dsc_0547dsc_0520
dsc_0620 dsc_0636 dsc_0657 dsc_0909 dsc_1027dsc_0976