Magaalada Jigjiga ee DDSI oo uu ka dhacay banaanbax aad u balaadhan oo lagaga soo horjeedo ururada nabad iyo nolol-diidka ah ee Onag, Ginboot7, Ubbo, Al-qushaash….. – VIDEO + SAWIRO

Waxaa saaka xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadhacay banaanbax aad u balaadhan oo lagaga soo horjeedo ururada nabad iyo nolol-diidka ah ee Onag, Ginboot7, Ubbo, Al-qushaash iyo wixii lahalmaala. Kuwaas oo raba inay dalkeena dib ugu soo celiyaan nidaamyadii cadaadiska iyo cabudhiska kudhisnaa ee boqortooyooyinkii hore iyo shuucigii dhargiga islamarkaana diidan nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka.

Banaanbaxan oo ahaa mid aan loo kalahadhin ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha wasiirada, heerarka kaladuwan ee shaqaalaha xafiisyada deegaanka, culimo-awdiin, odayaal, waxgarad, dhalinyaro rag iyo dumar, hooyooyin iyo qaar kale.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo dadka kulahadlay stadiumka cusub ee kubada cagta oo ahayd goobtuu mudaaharaadku kabilaabanayay ee ay banaanbaxayaashu isugu yimaadeen ayaa sheegay in deegaanka soomaalidu uusan habayaraatee marnaba ogolayn in dib loo soo celiyo nidaamyadii dhiig-miiradka ahaa ee kiniisada looga talin-jiray ee kusalaysnaa cadaadiska iyo cabudhiska. Wuxuuna cambaareeyay mudaaharaadyadii sharci-darada ahaa ee kadhacay deegaanada Axmaarada Iyo Oromada isagoo taageeray nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka. Madaxwaynaha ayaa intaa kudaray, in itoobiya ay itoobiya kusii ahaan karto oo kali ah jiritaanka nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka oo ah kuwa horumarkan laxaadka leh lagu gaadhay islamarkaana kudhisan dimoqraadiyad, sinaan, cadaalad, horumar iwm oo haddii lawaayo aysan jiraynin dal itoobiya ladhaho oo kadanbeeya dastuurkan maanta. Wuxuuna banaanbaxayaasha kubooriyay inay ficil kumuujiyaan sida ay uga soo horjeedaan rabitaanka onag, ginboot7, ubbo, alqushaash iwm ay kuraadinayaan inay dib usoo celiyaan nidaamyadii islawaynida qayaxan iyo axmuqnimadii dhargiga.

Waxaana wadooyinka magaalada jigjiga hadheeyay bulsho-wayntii xarunta deegaanka oo sitay calanka federalka, kadeegaanka iyo boodhadh waa wayn oo ay kuqoran yihiin halku-dhagyo tilmaamayay nacaybka ay u aqabaan nidaamyadii cadaadiska iyo cabudhiska ee ay ururada onag, ginboot7, ubbo iyo alqushaash rabaan inay dalka dib ugu soo celiyaan. Kuwaas oo ay kamid ahaayeen, ‘‘ Anagu marnaba ma ogolin mana ogolaan doono dhargi, onag, ginboot7, ubbo, alqushaash iyo wixii lamid ah, dhargigu hadhaco, ginboot7 hadhacdo, Onag hadhacdo, ubbo hadhacdo, alqushaash hadhacdo’’ iyagoo kudhawaaqayay ereyadan iyo kuwo ay kutaageerayeen nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka.

Iskusoo wada duuboo, banaanbaxan oo wali kasii socda guud ahaanba wadooyinka xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa lafilayaa inuu goor-dhaw kusoo gabagaboobo guul iyo farxad ay kudheehan tahay dareen lahaanshiiyo iyo geesinimo ugaar ah shacabka DDSI.

CAKAARANEWS.COM

DAAWO SAWIRRO:

fb_img_1474947929021

fb_img_1474947929021fb_img_1474947925368fb_img_1474947942841fb_img_1474947945311fb_img_1474947974842fb_img_1474947958190