Maliishiyada Hargeisa oo shaki ka qaba saldhigga Milateri ee Turkiga ka furay Muqdisho 

Maliishiyada Hargeisa oo shaki ka qaba saldhigga Milateri ee Turkiga ka furay Muqdisho

Tuesday, Oct 3, 2017 

October 03 — Maliishiyada Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay saldhigga Milateri ee dowladda Turkiga ka dhisatay magaalada Muqdisho, kaasoo sabtidii la soo dhaafay si rasmi ah xarigga looga jaray, saldhiggan ayaa lagu tababarayaa Ciidamada Soomaaliya.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Maliishiyada  Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la hadlayay warbaahinta gudaha ee Somaliland ayaa sheegay in shaki weyn ka qabaan saldhigaas iyo qaabka uu u howl geli doono.

Mr Cadami ayaa sheegay in Somaliland ay il-dheer ku heyn doonto dhaq dhaqaaqyada Saldhigga Milateri ee Turkiga ka furtay Muqdisho.

“Cid walba waa u muhiim in ay taageerto meesha ay wax ka heleyso, anaga kama soo horeedno in Soomaaliya ay heshiisyo la gasho dalalka caalamka, si loo gacan siiyo, waxaa is weydiin leh Saldhigga Milateri ee Turkiga ka furay Muqdisho ma Soomaaliya nabadgelyadeeda looga shaqeynayaa mis waa mid Somaliland hub iyo ciidan loogu aruursanayo Somaliland”ayuu yiri Wasiir Cadami.

Somaliland oo ku dhawaaqday sanadkii 1991 inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa wali helin wax aqoonsi ah, hase ahaatee deegaanadeeda ayaa lagu ammaanay inay ka jirto nabadgelyo iyo xasilooni siyaasadeed.