Maraykanka oo cunaqabateeyay dadka gantaallada u hormariya

Maraykanka oo cunaqabateeyay dadka gantaallada u hormariya Kuuriyada

Ri Pyong-chol (bidix) iyo Kim Jong-sik (midig) ayaa la sheegay in ay yihiin labada kaaliye ee uu ugu kalsooni badan yahay Kim Jong-unLahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ri Pyong-chol (bidix) iyo Kim Jong-sik (midig) ayaa la sheegay in ay yihiin labada kaaliye ee uu ugu kalsooni badan yahay Kim Jong-un

Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn dul dhigtay labo sarkaal oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay, kuwaas oo ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa dalka ku hogaamiyay in uu hormariyo gantaalladiisa nukliyeerka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabataynno hor leh saaray Kuuriyada Waqooyi Jimcihii, arrintaas oo jawaab u ah gantaalladii uu dalkaasi dhawaan tijaabiyay.

Cunaqabataynta cusub ee Maraykanka ayaa ka hor istaagi doonta labadaas nin in ay dhaqaalahooda wareejistaan, taas oo lagu fariisin doono wixii hanti ah ee ay macquultahay in uu Maraykanku ka hayo.

Ri Pyong-chol ayaa la sawiray isaga oo la qoslaya Kim Jong-unLahaanshaha sawirka KCNA/REUTERS
Image caption Ri Pyong-chol ayaa la sawiray isaga oo la qoslaya Kim Jong-un

Labadan nin ee cunaqabataynta la saaray ayaa si joogto ah loogu ag sawiraa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un markaste oo gantaal la tijaabinayo.

Sannadkii horana dalkaasi wuxuu tijaabiyay gantaalkii ugu riddada dheeraa ee uu abid rido, wuxuuna sheegay in ay hadda wixii ka dambeeyana duqayn karaan dhamaan Maraykanka oo dhan.

Baaritaan ay wakaaladda wararka ee Reuters samaysay bishii May ayay ku sheegtay in labadan nin iyo Jang Chan-ha oo gantaallada sameeya uu soo xushay Kim Jong-un ayna agtiisa caan ka yihiin.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Kuuriyada Waqooyi