Mareekanka: Dibadbaxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo bilayska ..

Dibad baxyo looga soo horjeedo bilayska ayaa ka dhacay magaalada Charlotte ee Waqooyiga Carolina ka dib markii sarkaal ka tirsan booliska uu toogtay nin madow oo ay sheegeen in uu hubeysnaa.

Waaxda Booliska Mecklenburg ee magaalada Charlotte ayaa sheegay in dibad baxa lagu burburiyay baabuurta booliska calaamadeysan iyo ku dhowaad 12 askari ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa beeniyay wararka booliska in ninka la dilay “oo lagu magacaabo Keith Lamont Scott”, uu hubeysnaa, islamarkaana ninkaasi uu ahaa qof naafa ah, sida ay sheegayaan wararka.

Dilalka bilayska ee dadka madowga dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa abuuray cadho badan iyadoo aad looga cabsi qabo xuquuqda la wiiqay.

Sida laga soo xigtay wargayska Guardian, booliiska ayaa dilay ugu yaraan 193 nin oo madow ah sannadkan iyada oo sanadkii 2015, booliiska ay dileen ugu yaraan 306 nin oo madowga Mareekanka .

dibad baxa ayaa kusoo aaday  saacado kaliya ka dib markii dibad bax kale oo ka dhacay TULSA, Oklahoma, ka dib markii bilayska halka ay toogteen nin aan hubaysnayn oo madow ah.