Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ku amray inay degdeg uga baxaan Muqdisho

Mareykanka oo Muwaadiniinta ku amray inay degdeg uga soo baxaan Muqdisho

Muqdisho (Kalshaale) Dowladda Maraykanka ayaa ku amartay shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee u dhashay Maraykanka inay si deg deg ah uga baxaan magaaladda muqdisho.Warkan ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in weeraro argagixiso oo lala beegsanayo muwaadiniintooda ay ka dhici karaan Muqdisho.

Warkan oo lagu daabacay bogga internetka ee xafiiska howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa uu toos ugu socdaa muwaadiniinta iyo shaqaalaha maraykanka ee Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaaladda muqdisho

Dowladda Maraykan waxay sheegtay in dhibaatada dadka Maraykanka soo gaaraya ay ka hortagayaan kagana digayaan goobaha khatarta leh ee ay dhici karto in weeraro kusoo qaadaan kooxaha Argagixisada sida Al-shabaab, iyo ISIS.

 

Muwaadiniinta Maraykanka ee caadiga ah  ayaa horay looga digey in ay u safraan Soomaaliya oo Maraykanku ka fuliyo weeraro dhinaca cirka iyo dhulka ah oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish, waxaana ugu dambeeyay duqayntii cirka ee ka dhacday gobolka bari, taasi oo maraykanku sheegtay in diyaaradihiisu fuliyeed.

Maraykanku Safaarad kuma laha magaaladda Muqdisho ilaa sanadkii 1991dii. waxaana xarunta safaaradda maraykanka ee Soomaaliya ka howlgashaa magaaladda Niarobi.