Mashruuca Dhismaha Guryo-Wadareedka Garabcase Oo Gabo-Gabo Maraya

Mashruuca Dhismaha Guryo-Wadareedka Garabcase Oo Gabo-Gabo Maraya

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 10ka January 2018. Xukuumada DDSI oo dadaal oogu jirta siday bulshada iyo shaqaalaha deegaanka ooga haqabtiri lahayd dhanka guryaha ayaa waxay aas-aastay wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI oo mudadii ay shaqaynaysay wakaaludu fulisay mashaariico badan oo guryo kala duwan ah Islamarkaana dabooshay baahiyo badan oo ka jiray dhanka guryaha.

Hadaba maareeyaha wakaalada Horumarinta guriyaynta DDSI Marwo Raxma Riyaale Cumar oo ka warbixisay waxqabadka iyo mashaariicaha kaladuwan ee ay wado wakaaladu ayaa sheegtay in mashruuca dhismaha guryowadareedka garabcase oo ah mashruuc balaadhan oo ka kooban 100 Gibi uu meel gabo-gabo ah marayo islamarkaana si loo dhisayo si si tayaysan oo cimri leh, waxayna maareeyuhu intaa ku dartay in guryowadareedkan 100ka gibi ah ay wakaaldu wado mudo 2 bilood ah islamarkaana ay waxkhti xaadirkan gabo-gabo marayaan.

Ugu danbayna maareeyaha ayaa sheegtay in mashruucan guryowadareedka garabcase mudada uu socdo ay dad badan oo deegaanka ah shaqo abuur ka heleen islamarkaana ay mashruucan dhismihiisu looga faaiideeyay mas’uuliyiintii hore ee deegaanka, Ugaasyo, Suldaamo iyo odayaal kale oo kamid ah odayaal dhaqameedka deegaanka. Waxayna maareeyuhu ugu danbayn carabka ku dhufatay in mashruucan mudo gaaban gudaheed lagusoo gabagabaynayo.