
Mas’uuliyiinta Magaalada New York ayaa soo bandhigay nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qaraxii habeen hore ka dhacay xaafadda Chelsea ee magaaladaas New York.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ahmad Khan Rahami oo 28 jir ah ayaa ka yimid dalka Afghanistan wuxuuna leeyahay dhalasho Maraykan ah.
Booliiska New York ayaa shaaciyay sawirka ninkan oo weli aan gacanta lagu dhigin, lana baadi goobayo.
Qaraxa uu ninkan sameeyey ayaa dhaawac fudud u geystay 29 qof, iyadoo kooxaha baaritaanka samaynaya ay ka digeen ninkan oo deganaa xaafadaa Elizabeth, New Jersey in loo arko qof qatar ah oo hubaysan.
Dhinaca kale boorso ay ku jiraan waxyaabaha qarxa oo la dhigay meel u dhow saldhiga tareenka Elizabeth ayaa waxaa qarxiyey maanta booliska New York oo adeegsanaya qalab robot ah.