Maxaa Ka Jira In Kulan Madaxweyne Muuse Biixi Uu la Yeeshay Salaadiinta GARXAJIS Oo Xalay Cadho Iyo Hanjabaad Isu Bedelay?

Madaxweyne Muse biixi oo kulan isugu yeedhay ganacsatada, aqoon yahanka iyo cuqaasha Beesha garxajis. Kulankan oo xalay  Lagu qabtay Madaxtoyada Somaliland ayaa ujeedadiisu ahayd colada labada beelod Ku dhex martay degaanka ceelafwayn iyo Kornaylka ciidamada Qaranka ka goostay Kornayl care oo ciidan beeled iyo Babuur la saray qoryo culus Ku haysta tuulada goof ee ka tirsan gobolka sanaag.

Madaxweynaha wuxuu wax garad kii iyo ganacsatadii beesha garxajis u soo jeediyay Qodobo dhawra oo dhamaan xubnihii garxajis ka cadhodeen isla markaana sababay in shirkaas xalay lagu kala kaco.

Qodobada uu madaxweyne Muuse u soo jeedinayay ee Beesha garxajis ee keenay in shirkaas ay si cadho leh uga dareeran waxaa ka mida:–
1. In beesha garxajis bixiso kharashka Ku baxaya Nabadaynta labada beelod ee Ku dagalamay degaanka ceel afwayn kharashka laga rabay iney bixiyaan oo dhan $ 500, 000 kun oo dolar.
2. In beesha garxajis si baladhan ula Shagayso xukumada muse biixi isla markaana ay joojiyan hadalada ka dhanka ah xukumada.
3. Kornaylkaas ciidan ka qaranka ka goostay ee tuulada goof Ku urur saday ciidan beeled ka ay Ku xukumadu Ku soo qabanayso isla markaana aanay aqbali doonin Inuu halkaas ciidan Ku haysto.
4. Dadka ka qayb qaadanaya Nabadaynta colada ceel afwayn aanay Ku jirayn beesha garxajis.
5. Beesha garxajis ku dhawaaqdo xabad joojin isla markaana ay kala diraan ciidan beeled ka Lagu ururiyay Tuulada Goof.hadii kale ciidanka qaranku awood u isticmaali doonan.

Markii loo aqriyay qodobadaas iyo hadalo kale oo u muuqday hanjabad waxay wax garad kii iyo ganacsatadii shirkaas joogay kaga jawabayn erayo cadho leh iyo diidmo qayaxan oo ay u cadeyeen Madaxweyne muse biixi inuu target Ku yahay beesha isla markaana cadaystay in coladaas uu qayb ka yahay. Iyadoo hadalo kulkulul ka dibna Lagu kala kacay shirkaas. Shirkan oo aan saxafada loo yeedhin oo ahaa shir albabadu u xidhan yihiin. Waxaanu warkan ka helnay ilo xogagal u ah xubnihii beesha garxajis ee shirkas joogay.