Maxkamada ciidamada Baydhabo oo min 10 sano ku xukuntay Afar ruux oo lagu eedeeyay Daacish inay ka tirsan yihiin..

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qaybteeda Gobolka Baay ayaa xukun min 10 sano oo xabsi ciidan ah waxa ay ku riday Afar ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish.

Raggaan ayaa dhawaan lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay soo qabteen.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo saaka u fariisatay kiiska Afartaan ruux ayaa la sheegay inay xukun adag ku riday.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Qaybta 60-aad Aadan Abuukar Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in xukunka Afartaan ruux uu noqday min 10-sano oo Xabsi ciidan ah.

1-C/Casiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyay in kooxda Daacish ay u soo wakiilatay magaalada Baydhabo, si uu uga fuliyo falalka guracan ee kooxdaasi.

2-Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka Kooxda Daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo Qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa.

Labada kale ee maxkamada ciidamada Qalabka sida qaybta 60-aad ay xukunka ku riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Sheekh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyay in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee kooxda Daacish ay ku talo gashay iney ka sameyso magaalada Baydhabo.

Maxkamada ayaa ku dhawaaqday in la sii daayay Saddex ruux oo kale, kuwaasi oo lala xiriiriyay inay xiriir dhaw la lahaayeen ragga Daacishta ka tirsan.