Meydadka Ciidamada Uganda ee looga dilay Soomaaliya oo la geeyay Kampala.

Meydadka Ciidamada Uganda ee looga dilay Soomaaliya oo la geeyay Kampala

by A M Thursday, Aug 3, 2017

Meydadka illaa 12 askari oo u dhashay dalka Uganda, kana mid ahaa howl galka AMISOM ayaa shalay gelinkii dambe la geeyay magaalada Kampala.

Diyaarad siday meydadkan oo shalay ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dejiyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala.

Wasaaradda Difaaca Uganda ayaa sheegtay in 12 askar ay uga geeriyoodeen dagaal ay ciidankooda ka tirsan howl galka AMISOM la galeen Al-Shabaab.

Meydadkan ayaa loo sameeyay munaasabad baroor diiq ah, iyadoo askar iyo saraakiil ku sugnaa xilliga laga dejinayay Entebbe ay salaan sharaf u taageen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in illaa 39 askari ka tirsan Al-Shabaab ay ku dishay weerar ay ku qaaday kolonyo ciidan oo mareysay deegaanka Golweyn, kuna sii jeeday degmada Buulo Mareer.