Michael Keating oo sheegay in qaramada midoobay ay gacan ka gaysan doonto sugidda amniga xiliga doorashooyinka dadban ay dalka ka dhacayaan – DHEGEYSI

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Danjire Michael Keating oo waraysi gaar ah siiyay VOA Somali ayaa ka hadlay in Qaramada Midoobay ay gacan ka gaysan doonto sugidda amniga xiliga doorashooyinka dadban ay dalka ka dhacayaan.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Keating khilaafaadka hareeyay dhismaha aqalka sare, Arrimaha Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo sidoo kale waxa hortaagan in Soomaaliya ay yeelato ciidan qaran oo leh awood ay dalka Somalia ku difaacaan.