Daahfur arday ka qalinjebinaysa jaamacada Plasma ee ku taala magaalada Jowhar

Munaasabad lagu daahfurayay arday ka qalinjebinaysa jaamacada Plasma oo Jowhar lagu qabtay(Sawiro)

by mahad Tuesday, Jul 18, 2017 

July 18 (Jowhar)—Munaasabad lagu daahfurayay soo dhoweynta arday ka qalinjebinaysa jaamacada Plasma Jowhar ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacada Plasma ee magaalada Jowhar.

Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa ardaydii ugu horeysay ee Kulliyada Beeraha soo dhamaysata ay halkaas ku soo bandhigeen buugaag ay ka soo diyaariyeen cilmiga beeraha ee ay soo barteen.

Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada Plasma faraca Jowhar iyagoo ka hadlay dadaalka ay sameeyeen ardayda ka qalinjebinaysa kulliyadaha beeraha iyo Kalkaaliyaasha caafimaad mudadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay.

Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay  mas’uuliiin ka socotay Jaamacada Plasma xarunta Muqdisho kuwaasoo kala ahaa Ku xigeenka madaxa Akademiyada jaamacada Plasma Maxamed Cabdulaahi Maxamuud  iyo Cabdikariin Cali Raaxoy waxayna mas’uuliyiintan umahadceliyeen macalimiinta iyo maamulka Jaamacada faraca Jowhar iyo maamulka degmada iyo kan gobolka Sh/dhexe.

“Farxad weyn ayay noo tahay inaan ka soo qeybgalno munaasabadan qaaliga ah ee ay ardayda ka qalinjebinaysa  Plasma Jowhar ay soo diyaariyeen,waxayna tahay sababta ay Jaamacada Plasma u dooneyso in arday walba oo Soomaaliyeed uu aqoontiisa Jaamacadeed ku helo magaalada uu ku nool yahay.”ayuu yiri Ku xigeenka madaxa Akademiyada jaamacada Plasma Maxamed Cabdulaahi Maxamuud.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha degmada Jowhar CIsmaan Maxamed Muqtaar iyo duqa magaalada Jowhar oo labaduba soo dhoweeyay ardayda soo baratay culuunta beeraha iyo caafimaadka waxayna u mahadceliyeen jaamacada Plasma dadaalka ay u gashay sidii ay ardaydan u aflaxi lahaayeen.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka arrimaha  bulshada ee maamulka gobolka Sh/dhexe Cabdulahi Yuusuf Caloof waxana uu  sheegay in aad  ay ugu baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed inay helaan aqoonyahano ku takhasusay culuunta beeraha maadaama dadka Soomaaliyeed ay  badankood yihiin beeralay iyo xoolo dhaqato.

“Aad ayaan u soo dhoweynayaa ardayda ka qalinjebinaysa kulliyada Beeraha iyo Caafimaadka waana labo kuliyadood oo bulshada aad ugu baahan tahay.”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe Mudane Caloof.

Dhowaan ayaa la qorsheynayaa in loo qabto ardaydan munaasabad qalinjebin ah iyadoo jaamacada Plasma ay tahay jaamacadii ugu horeysay ee ka hirgelisa kulliyad lagu barto cilmiga Beeraha gobolka Sh/dhexe oo ah dhul caan ku ah wax soo saarka beeraha.