Munaasabada Salaada ciidul Adxa oo si meeqaam sare ah loogu tukaday Garoonka Caasimada Deegaanka ee Jigjiga

Waxaa maanta si balaadhan oo farxadi ku dheehan tahay looga ciiday guud ahaanba caalamka islaamka dalkeena itoobiya gaar ahaan  deegaanka soomaalida itoobiya ciida barakaysan ee ciidul adxa ,  iyadoo boqolaal kun oo ku nool caasimada deegaanka ee  jigjiga ay si wada jir ah ugu tukadeen barxada wayn ee garoonka ciyaaraha kaladuwan ee magaalada jigjiga halkaas oo mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu  ku wehelinayaan afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq, golaha wasiirada DDSI  iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan ay kulatagadeen shacabwaynaha caasimada DDSI ee  jigjiga.

Haddaba, ka hor intaan salaada lagalin ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  halkaa ka soo jeediyay hadalo muhiim ah isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidal adxa   islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn. Madaxwaynaha ayaa sheegay in cadawga 1aad ee deegaanku yahay saboolnimada taasi oo ay xukuumada DDSI dajisay qorshayaashi lagu tir tirilahaa saboolnimada laguna midho dhalinayo  horumar waara oo joogtaysan iyo isku filnaansho dhinac kasta leh madaxwaynuhu sheegay in xukuumada DDSI munaasabada barakysan ee ciidal adxa ay cafis u fidinayso maxaabiista badan  kuwaasi oo u badnaan doona dumar iyo dadka waaway iyada oo hada ka dib maxaabiista loo samayn doona shaqo abuur iyada oo la barayo xirfadaha kala duwan  oo  ay ka shaqaystaan iyaga oo maxaabiis ah.

Dhankiisa waxaa ka hadlay munaasabadan salaada ciidal adxa gudoomiyaha golaha sare ee arimaha islaamka DDSI mudane sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen  oo ka warbixiyay ahmiyada  iyo  fadaa-isha ay leedahay munaasabadan ciidal adxa  isaga sheegay in xujaajdii sanadka gudatay waajibaadka xajma ee ka tagay DDSI ay nabad qab ku gudanayaan waajibaadkooda xajmka .

Tukashadii salaada ciida ka dib waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo masuuliyiintii kale ayaa mafaaso dheer la lugeeyay shacabwaynaha ka qaybtalay musasabada salaada ciidal adxa..Ugudanbayna, shacabwaynihii salaada ciida isugu yimid oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in nabad  iyo horumar  ku ciidaan.

cakaara.