Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo(Daawo+Sawiro)

Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo(Daawo+Sawiro)

by mahad | Wednesday, Jan 4, 2017 |

January 4 (Jowhar)—Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxbadan lagu xasuusto  isla markaana waxqabad lagu bartay.

Sidoo kale Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay saxaafada markii uu gaaray Kismaayo ayaa u mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo.

“Waan ku faraxsanahay booqashada xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland oo si wanaagsan la iigugu soo dhoweeyay,waxayna isoo xusuusinaysaa marxaladihii wanaagsanaa ee dalka soo maray.”ayuu yiri Sheekh Shariif Shiikh Axmed.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay ugu dambeysay magaalada Kismaayo sanadkii 2006dii haatana isbedel weyn uu ka muuqdo.

Booqashada Sheekh Shariif ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay tahay mid ka dambaysay kadib markii siyaasiyiin iyo waxgarad ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii la sheegay in khilaaf uu soo kala dhex galay.

Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa haddii uu helo taageerada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xildhibaanada ka soo jeeda Jubbaland ay u noqoneysaa mid ololihiisa doorasho waxtar u leh.

shiikh-shariif-7

shiikh-shariif-8

shiikh-shariif-6 shiikh-shariif-5 shiikh-shariif-4 shiikh-shariif-3 shiikh-shariif-2 shiikh-shariif-1