MUUQAAL: Golaha Wasiirada Puntland oo Dab kusii shiday Xiisada Somaliland iyo Puntland iyo Go’aano kasoo baxay

MUUQAAL: Golaha Wasiirada Puntland oo Dab kusii shiday Xiisada Somaliland iyo Puntland iyo Go’aano kasoo baxay

Garoowe (Kalshaale) Iyadoo Mudooyinkii ugu dambeeyay ay jirtay Hadalo ay dhinaca Warbaahinta isku dhaafsanayeen maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa maanta War kasoo saaray arimaha Doorashooyinka Golaha wasiirada ee Puntland waxayna Warsaxaafadeed ku sheegeen sidan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa dood dheer ka yeeshay amniga xuduudaha dalka gaar ahaan xuduudaha deeganada ay Puntland la leedahay gobolada waqooyiga Soomaaliya oo ay hada jiraan dhaqdhaqaaqyo doorashooyin. wuxuuna goluhu cadeeyay in midnimada Puntland ay tahay muqadas xuduudaha Puntland-na si buuxda amnigooda loo sugi doono.

Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in Puntland ay ilaalinayso nabadgelyada, xasiloonida iyo deganaanshaha Soomaaliya, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imanaya maamulka Somaliland ee ku aadan xuduudaha Puntland.

Golaha xukuumadda ayaa cadeeyay in aysan ka dhici doonin wax lagu sheegayo doorashooyin oo ka yimaada dhinaca Somaliland xuduudaha gobolada Sool, Haylaan, Sanaag iyo Cayn ee Puntland”.

Dhowaan ayaa Golaha Baarlmaanka Puntland  ay dhankooda soo saareen Go’aano kuwa lamid ah, Iyagoo soo jeediyey in la iska difaaco Faragelinta iyo Xadgudubka Somaliland sida ay hadalka u dhigeen.