
Dowlada Ruushka ayaa codkeeda VETO ku horjoogsatay mooshin ku aadan joojinta duqeynta magaalada Aleppo (Xalab) ee dalka Siiriya, qaraarkaasi oo xalay la horgeeyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Mooshinkan ayaa qeexayey in Ruushka iyo diyaaradaha Bashar Al Assad ay joojiyaan duqeynta ay la beegsanayaan magaalada Aleppo (Xalab) oo ay dagaalo iyo duqeyn culus ka socdaan.
Waa markii 5aad oo uu Ruushka codkiisa Veto Power u adeegsanayo Golaha Amaanka qaraar uu soo saari lahaa. Wuxuuna Ruushka doonayey in mooshin kale oo uu soo diyaariyey Golaha ansixiyo.
Mooshinka Ruushka watay ayaa ahaa in dib loo bilaabo wadahadalkii hore ee u dhaxeeyey Maraykanka iyo Ruushka oo ku aadanaa dhaqan gelinta xabad joojin la dhex dhigo dowlada Siiriya iyo mucaaridka. Balse codsiga Ruushka ayaa isaguna waayey taageero ku filan ee Golaha Amaanka maadaama mooshin walba u baahan yahay inay soo gudbintiisa isku raacaan 9 wadan. Ruushka ayaa helay 4 wadan oo kaliya, waxaana afartaasi dal kamid ahaa China.
Waxaa hada muuqata in dalalka awooda kuleh Golaha Amaanka ay isku mari la’a yihiin xal u helida dagaalka Siiriya, iyadoo ay sii kala foganaayaan isbaheysiyada ay kala hogaamiyaan Maraykanka iyo Ruushka.
Horseed Media