Nin hubeysan oo dad badan ku laayay degmada Caabudwaaq

Nin hubeysan oo dad badan ku laayay degmada Caabudwaaq

by A M | Sunday, May 28, 2017 |

May 28 (Jowhar)— Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in nin hubeysan uu dad badan ku laayay degmadaas.

Ninkan hubeysan ayaa la sheegay inuu rasaas ooda uga qaaday goob dadka loogu qeybinayay raashin afur ah, waxaana uu dilay illaa lix ruux, halka 15 kalena uu dhaawacay.

Ninka dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, lama oga ujeedada uu dadkan u laayay, hase ahaatee waxaa socota baaritaano.

Ciidamada amniga degmada Caabudwaaq ayaa ku raad-jooga ninka dilka geystay oo la sheegay inuu ka cararay degmada.

Waa dil wadareedkii ugu xumaa ee ka dhaca Caabudwaaq, oo ka mid ahaa degmooyinka ugu nabdoon ee deegaanada gobolada dhexe.