
Ciidamada booliiska Mareykanka ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dab maalintii isniinta la qabad siiyay Masjid ay muslimiinta ku cibaadeestaan oo kuyaala Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.
War kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in shalay lasoo qabtay ninka lagu tuhmayo in uu masjidka gubay, waxaana booliiska kiiskan gacanta ku haya sheegeen in ninka dambigan loo heesto lagu magacaabo Joseph Michael Schreiber.
Ninkan booliiska usoo xireen in uu gubay Masjidka kuyaala Florida ayaa la sheegay in ay kaamirada qabatay, dadka deegaanka ayaana Booliiska siiyay macluumaad dheeraad ah oo suurto gal ka dhigay in ninkan lasoo xiro.
Masjidka la gubay ayaa la sheegay in uu ku dukan jiray Cumar Mateen oo ahaa ninkii ka dambeeyay weerar lagu dilay dad ka badan 45 qof oo ku sugnaa goob ay ku caweeyaan dadka iyaga oo isku jinsi ah hadana isku taga.
Joseph Michael Schreiber, ayaa muteesan kara xabsi gaaraya 30-sanadood hadii lag helo dambiga loo heesto ee ku aadan in uu gubay masjidka Florida kuyaala sidoo kale daabacay qoraalo meel ku dhac ku ah dadka musliiinta ah.