NORWAY: Aabe soomaaliyeed oo gabdho uu dhalay loo afduubtay dalka Suuriya oo qoray buug – ma rabaan in ay Suuriya ka baxaan

Saddex sano ayaa iminka kasoo wareegatay markii dalkaasi Suuriya loo “afduubtay” laba gabdhood oo uu dhalay Aabe soomaaliyeed oo magaciisa kusoo koobay Sadiq Juma kuwaas oo lagu kala magacaabo «Ayan» (19-jir) iyo «Leila» (16-jir).


Buug uu qoray aabanah oo uu u kaashaday haweeneyda lagu magacaabo Åsne Seierstad islamarkaana la magac baxay To søstre ayuu ku sheegay in labadiisa gabdhood oo iminka da` ahaan kala jiraan 22 iyo 19 ay midba leedahay hal caruur ah (gabdho) oo ay u dhaleen niman jihadistayaal ah.

Waxa ay u caddeeyeen aabohood oo dhowr jeer la xiriiray in aysan usoo socon Norway oo ay ku sugnaanayaal Suuriya maadaama ay xaasas noqdeen, caruurna haystaan.

Magaalada ay ku nool yihiin ayaa loo maleynayaa in ay tahay caasimadda ISIS ee Raqqa oo ku taal bartamaha dalka Suuriya.

Aabe Sadiq ayaa dhowr jeer isku dayay in uu dib ugu soo afduubo dalka Norway gabdhihiisa, isagoo adeegsanaya niman wax afduuba balse arrintaasi waa ay u hirgeli weysay oo gabdhaha ayaa ilaalo xaaggan laga hayaa.

Labadan gabdhood ee walaalaha ah ayaa sanadkii 2013 waxaa tashkiiliyay oo maskaxda ka xaday dhallintayo jihaad doon ahaa kuwaas oo horay u watay markii ay Suuriya aadayeen, waxaana mid ka mid ah dhllinyaradaasi oo kasoo jeeda dalka Eritrea uu iminka qabaa mid ka mid ah gabdhaha.