
Waxaa maanta magaalada Bosaso ka soo degey ergeyga Qaramada u qaabilsan Soomaali Michael Keatin, waxaana uu shir alabaabadu u xiran yihiin la qaatey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo qaar kamid ah golihiisa xukuumadda.
Shirkaas kadib ayaa Michael Keatin waxa uu khadka telefonka kula hadley Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku sugnaa Cadaado, waxaana uu kala hadley dagaalka Gaalkacyo iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa xabbad joojinta.
Kadib waxaa shir afargeesood ah khadka Telefonka ku wada qaatey Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Ergayga Qaramada Midoobey iyo labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug.
Shirka dhanka Telefonka ka dhacay ayaa lagu heshiiyey in la dhaqangeliyo heshiiskii xabbad joojinta ee Abudhabi lagu kala saxiixdey 01 Nofeembar.
Ma cadda talaabada labaad ee la qaadayo iyo in la isugu tegaayo Kismaayo 20 Nofeembar, iyada oo in badan oo kamid ah dadka Gaalkacyo ay qabaan in aan gogosha nabadda ee Gaalkacyo la geyn karin magaalo kale.