
Shirka golaha wasiirada Puntland-Soomaaliya oo uu shir gudoominayey madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxmad Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka, safarka madaxweynaha ee dalka Itoobiya, Turkiga iyo dalka Jabuuti arrimaha doorashada dadban ee Soomaaliya, xalaadda kala wareejinta badeecadaha ee Gaalkacyo iyo warbixino kale.
Xaaladda Ammaanka.
Golaha wasiirada Puntland waxaa shirkooda uga hadleen xaaladda amniga guud ee Puntland isla markaana waxa ay ku dheeraadeen sidii amniga gacan bir looga qaban lahaa, waqtigaana uu dalka ku jiro doorashooyin federaal ah iyo sidii loo xoojin lahaa baaritaanka wax kasta oo dalka soo galaya si looga hortago khatarta.
Sidoo kale goluhu waxa uu bogaadiyey qaabka nabad gelyada ah ee ay odayaal dhaqameedka gobolka Puntland iyo Galmudug ay u kala wareegeen xoolaha ay kala dhaceen beelo wada dega gobolka Mudug, waxa uuna goluhu cadeeyey in ay Puntland soo dhaweynayso wax walba oo adkeynaya amnga iyo wada noolaanshaha beelaha goholka Mudug.
Safarkii madaxweynaha ee dalalka Itoobiya, Turkiga iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa golaha uga warbxiyey safarkii shaqo ee uu ku tagay dalalkaasi in uu ku soo dhammaaday guul la taaban karo, waxaana dhawaan Puntland ka qaban doontaa shaqooyin kale duwan oo iskugu jira arrimaha ganacsiga xoolaha nool, kalluunka, furidda kastamka tuur dibi, dhismeyaal isbitaal iyo arrimo kale.
Arrimaha doorashooyinka dadban ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa faray shacabka Puntland iyo dhaqankooda in ay u diyaar garoobaan doorashada baarlamaanka federaalka isla markaana Puntland u soo xulaan dad metali kara, sidoo kale la ilaaliyo qoondada haweenka, wuxuuna madaxweynaha haweenka ku tilmaamay in ay yihiin wadaniyiin dalka iyo dadkaba wax weyn u qaban kara.
Xaaladda kala wareejinta badeecadaha ee Gaalkacyo.
Golaha wasiirada Puntland waxa ay ku tilmaameen go’aankii kala wareejinta badeecadaha u kala gooshta Puntland iyo Koonfurta Soomalaiya mid lagu adkeynayo amniga iyo xasiloonida Puntland, isla markaana goluhu waxa uu u sheegayaa umaddaSoomaaliyeed in arintan ay ku kooban tahay dhinaca sugidda amniga iyo ka hortaga ururka Shabaab waxa ay la damacsan yihiin shacabka Puntland sida dhibatadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo bishii Agoosto ee sanadkan 2016 si Puntland uga feejignaato arrimhaasi oo kale.
Dhismaha isbitaalka guud ee magaalada Gaalkaco iyo suuqii xero Dayax ee bur-buray.
Golaha wasiirada waxa ay sheegeen in ay socdaal dib u dhiska goobihii uu saameeyay qaraxyadii aa dhacay magaalada Gaalkacyo, isla markaana si deg-deg ah loo dhammeystiri doono dhismayaashaasi.
Ugu dambeen goluhu waxa uu warbxin ka dhegeystay wasaaradda arrimaha gudaha iyo hay’adda baasoweyn.