Puntland oo Ku Eedaysay Gal-Mudug Inay Jabiyeen Heshiiskii Abu-Dubai- War-murtiyeed – AKHRI

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ku eedaysay maamulka Galmudug ina jabiyeen dhammaan qodobadii lagu  heshiiyay  iyo waanwaantii socotay ee lagu soo afjarayay colaadda Magaaladda Galkacayo.

War-Murityeed ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lag sheegay in Ciidamo Galmudug ay weerarkii 14 aad ay  ku soo qaadeen Ciidamada Difaaca Puntland, taasi oo Calaamad u ah  ayay yiraahdeen in aan Galmudug  doonayn  wax nabad ah.

War-murtiyeedka ka soo baxay Madaxtooyadda wuxuu u qornaa sidatan:

Sida ay la wada socdaan umadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo dowladaha deriska ah waxaa 31,Oct-2016-ka Puntlnd iyo Galmudug ku gaareen dalka Isutaga Imaaraatka Carabta is- afgarad ku sabsanaa sii loog soo dabaali lahaa magaalada Gaalkacyo xasilooni, waxaan si buuxda ugu dhawaaqay madaxweynahaPuntland Dr.Cadweli Maxamad Cali Gaas 02-November markii uu dib ugu soo laabtay dalka.

Nasiib darro waxaa isla maalimtaasi maamulka Galmudug weerar ku soo qaaday ciidanka difaaca Puntland, iyagoo horay ugu soo qaaday ciidanka difaaca Puntland weeraro gaarayo 13 weerar.

Sidoo kale waxaa maanta oo ah taariikhda 6-November 2016-ka lagu soo qaaday weerar ciidanka difaaca Puntland, kaasi oo ahaa weerarkii 14-aad ee uu soo qaaday maamulkaasi, isla markaasna wax tix gelin siinayn heshiisyadii la galay dhammaantood.

Hadaba Puntland waxa ay cadaynaysaa in ay si buuxda u jebiyeen maamulka Galmudug dhammaan qodobadii lagu heshiiyey iyo waan-waantii socotay ee lagu deminayay colaada magaalada Gaalkacyo.

Sidaasi darteed Puntland waxa ay cadaynaysaa in ay difaacayso dadkeeda iyo dalkeeda, kana laaban doonin gacanta duulaanka ay soo qaadeen maamulka Galmudug.

Dhinaca kale Puntland waxa ay ugu baaqaysaa guud ahaan shacabka reer Puntland meel walba oo ay joogaan in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah dowladnimadooda iyo jiritaankooda ee lagu soo qaaday koofurta gobolka Mudug.

Ugu dambeyn Puntland waxa ay xusuusinaysa dowladda deriska ah iyo beesha caalamka, daneeyayaasha nabadda Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah in Puntland mar walba doonayso  xasiloonida iyo degnaanshaha gobolka  Mudug.

warmurtiyeed-madaxtooyada-dawladda-puntlan1-2