Qaahira iyo London midkee fudud xirashada xijaabka?

“Waxaa kuu fudud in aad London xijaab ku xirato marka la barbardhigo Qaahiro” ayay tiri Dalia Canaan oo ah haweenay 47 jir ah oo la kulantay takoor ku saabsan dharka asturan ee ay xirantahay.

Waa gabadh injineerad ka shaqaysa xagga qalabka casriga ah ama IT-ga, iyada oo 2 sano ka hor u guurtay magaalada London si ay ugu wehel yeesho wiilasheeda oo xagaas wax ka baranayay.

Balse markii ay ku laabatay Qaahiro ayay aad ula yaabtay isbadalka ku dhacay bulshada, kaas oo biloowday wixii ka dambeeyay markii afgambiga uu ka dhacay dalkaas.

“Saacadaha qaar, gaar ahaan maqribyadii laguuma ogola maqaayadaha qaar” ayay tiri Dalia oo laga celiyay goobaha qaar, sababtuna ahayd in ay xijaab xirnayn.

Waxa ay arrimahan ku badanyihiin xeebaha waqooyi meelaha ku yaala, halkaas oo loo dalxiis tago, waxaana loo arkaa in ay kaliya tagi karaan dadka ilbaxa ah, ee xiran dharka ku dhegan ama gaagaaban.

 

Gabadha lagu magacaabo Dina Hisham waa 23 jir, waxayna ku nooshahay dalka Canada, waxayna tiri “Waligay uma malaynin in Masar ay ka jiraan meelo la’iga celinayo haddii aan xijaab soo xirto”.

Waxaa kale oo jirta in dumar kale ay ka sheegteen in laga hor istaagay in ay ku dabaashaan waaskooyin biyo ah iyaga oo xiran gashiga jirka wada daboola ee dabaasha.

Haweenka xijaabka xirta inta badan ayaa sidoo kale cadaadis kala kulma bulshada qaarkeed, kuwaas oo su’aalo ka weeydiiya sababta ay xijaabka u xirtaan.

 

Manal Rostom oo ah gabadh xirfadle caafimaad ah, islamarkaasna xayaysiin u samaysay shirkadda Nike iyada oo madaxa u asturanyahay ayaa tiri “Dhamaan saaxiibaday iyo xubnaha qoyskeygaba waa iska dhigeen xijaabka, waxayna igu yiraahdaan waxaad tahay qofka kaliya ee weli xiran”.

Bog ay abuurtay sanadkii 2014-kii ayaa waxaa ku xiran illaa 620,000 qof oo dumar ah, intooda badane ay reer Masar yihiin.

Mowduuc