Qaar ka mid ah golayaasha xukumadda Siilaanyo oo xaasaskoodii dalka ka saaray qoxootinimna isku dhiibay.

Waxa dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay dalka ka baxaaya xaasasaka qaar ka mid ah madaxda xukumadda Somaliland siiba golayaasha kala gadisan ee xukumadda, sida golaha deegaanada, iyo qaybaha kaleba waxna ay madaxdaasi caruurtooda iyo xaasaskooda u dirayaan qaarada Yurub iyo waqooyiga America, waxna dhawaan xagaasi u goostay shaqaale ka mid ah madaxtooyada, waxna sidoo kale fiisooyin soo qaatay shaqaale aad ugu dhow dhawaa marwada madaxweynaha oo aanu dhawaan baahin doono labadaasi shaqsi oo ay heli taanka fiisahaasi ay soo qaateen ay ka caawisay marwada madaxweynaha marwo Amina Waris.

Waxna jira in xitaa goalaha deegaanada ee dalku ay qaarkood xaasaskooda ka saareen dalka oo iyana aanu idiinku soo bandhigi doono warbixinta aanu soo wadono oo aanu sheegi doono shaqsi waliba xaga uu joogo iyo waxa ay isku dhiibeen, tirada xubnaha ka baxsnaaya dalka ayaa maalinba maalinta ka danbysa sii kordhaysa iyada oo ay soo dhowdahay doorashadii madaxweynaha oo ay inaga xigto dhowr bilood, taasina waxa ay cadaynaysaa in aan xukumadda hada talada haysa iyo xisbigoodu toona soo laaban doonin.

Waxase haboon in ay madaxda muxaafidka ahi ay dalka aaminaan oo ay joogaan isla markaasina ay ka waantoobaan talaabooyinka ay ku dhaqaaqayaan iyaga oo aanu baahnayn in ay dal kale ugu noolaadaan qoxooti ahaan.

La soco dhawaan warbixin dhamaystiran aanu idiin soo gudbin doon.

qarannews.com