Qaramada midoobey oo sheegtay inay ugu deeqayso qaxootiga Muqdisho 7 milyan oo doolar

Isku dubaha arrimaha bani’aadinimada Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr Peter de Klerk ayaa shaaciyey in sanduuqa Arrimaha bani’aadinimada ee deeqbixiyaasha kala gedisan ee Qaramada Midoobey  uu siinayo Soomaaliya lacag dhan 7 milyan oo doolar taas oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka  Qaxootiga ah, islamar ahaantaana  kor loogu qaadayo howlaha gurmadka ah ee  loo fidanayo Dadka iyagu ku barakcay gudaha Magaalada Muqdisho .

Bayaan laga soo saaray shir jaraa’id oo ay maanta Qaramada Midoobey qabatay ayaa lagu sheegay in deeqdaan ay tahay markii labaad loo fidanayo dadka soomaliya gudaheeda ku baraakacay taas oo ujeedkeedu tahay sidii loo hormarin lahaa adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka, Cunnada, Biyaha, Hoyga, iyo arimo kale oo la xiriira faaya dhowrka degmooyinka dayniile iyo kaxda oo ka tirsan Gobolka Banaadir

Degmooyinka Dayniile  iyo Kaxda ayaa  martigeliyay qoxootiga ugu badan ee ku nool Caasimada Muqdisho kuwaas oo iyagu kasoo barakacay qeybo kamid ah Gobolada dalka sandkii 2015 sababo la xiriira adeeg yari iyo xadgudyo dhanka xuquuqul’ insaanka ah  waxayna tiradooda kor u dhaafaysaa 120 kun oo qof

Waxaa xusid mudan in Qaramada Midoobey Bishii Julay ee Sanadkan ay ugu deeqday Qaxootiga ku nool Soomaaliya lacag dhan 7 milyan oo doolar taas oo howlo gargaar ah loogu fidiyey Qaxootiga ku nool Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo