
Qarax Xoog leh oon wali la ogeyn waxa dhaliyay ayaa ka dhacay Xaafad lagu magacaabo Chelsea oo ku taalla degmada Manhattan ee magaalada New York Dalka Mareykanka.
In ka badan 20-qof ayaa la xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhaawacmeen, booliiska ayaa sheegay in dhaawacyada inta badan aysan aheyn kuwa o culus.
Booliiska magaalada New York ayaa sheegay in ay baarayaan waxa dhaliyay qaraxan, waxa ayna tilmaameen inay ka shakisan yihiin in qalab qarxa uu burburiyey daaqad dhisme ku taalla iyo gaari halkaasi yaalay.
Qaraxan ka dhacay magaalada New York ayaan wali si dhab ah loo ogeyn waxa uu yahay, waxaana sawiro Warbaahinta lagu baahiyay muujinayaan caag kuwa qashinka lagu shubo uu qaraxu kala jaray .
Dhinaca kale bam tubbo ku jiray uu ku qarxay xaafad ku taalla gobolka New Jersey, halkaasoo u dhow meel lagu waday inuu ka dhaco orod ay ka qayb qaadan lahaayeen xubno milateriga ka tirsanaan jiray oo doonayey inay lacag sadaqo ah uruuriyaan.
Booliika Mareykanka ayaa sheegay in baaritaano qoto dheer ay ku sameenayaan qaraxyadan ka dhacay magaalooinka New York iyo New Jresey ayna dib kasoo faah faahin doonaan waxa uga soo baxa baaritaankooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com