Ganacsade Soomaaliyeed oo ka badbaaday qarax gaarigiisa lagu soo xiray – SAWIRO

Waxaa Duhurnimadii maanta Qarax Gaari lagu soo xiray uu ka dhacay Wadada Mashquulkan badan ee Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in gaariga uu qarxay xili uu marayay agagaarka Hotelka Maka Al-Mukarama, waxaana qaraxa kadib gaariga qabsaday dab xoogan oo gabi ahaan gaariga baa’biyay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ay jiraan qasaaro qaraxaasi ka dhashay, inkasoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta ay la egtahay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay u gurmaday ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida.

Taliyaha qeybta Guud ee booliiska Gobola Banaadir ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay gaari uu lasocday Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xuseen Jaamici, waxa uuna sheegay Taliyaha in ganacsadaha uu qaraxaasi ka bad baaday.

Taliyaha ayaa meesha ka saaray jiritaanka qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay qaraxaasi ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana goob joogayaal ay Warbaahinta u sheegeen in ay arkayeen dad waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi.

Qaraxyada gaadiidka la isugu soo xiro ayaa mararka qaarkood ka dhaca magaalada Muqdisho, qaraxyadaasi ayaana ah kuwa aysan inta badan qasaaro badan ka dhalan marka laga reebo in waxyeelo dhimasho ama dhaawac uu u geesto dadka xiligaasi gaariga saaran.






Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com