Qayb Libaax (Gabaygii Xueen Dhiqle ee xoghaynta uu ahaa Sayid Moxamed Abdulla Xassan)

Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore
· Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye
· Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye

· Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye
· Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye
· Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye

· Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede
· Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye
· Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga

· Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho
· Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska
· Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado

· Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye
· Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare
· Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?

· Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay
· Badhbaa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare
· Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye

· Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye
· Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye
· Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey
· War ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?

· Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane
· Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo
· Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene
· Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey
· Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka
· Tii quruxda roonayd hadday Cali, la qooqayso
· Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile
· Tana qaata Naadaba ragbay, qaac u shidataaye