QM oo codsatay 22.2 Billion oo Dollar si ay u daboosho mashaariicda gargaarka bini’aadminimo sanadka soo socda

Qaramada Midoobay ayaa u baahan lacag dhan $ 22.2bn si ay u daboosho mashaariicda gargaarka bini’aadminimo sanadka soo socda, taasoo daboolaya baahida 93 million oo qof oo 33 dal, sida uu sheegay madaxa bani’aadamnimo Qaramada Midoobay Stephen O’Brien maalintii Isniinta.

“Tani waa mid muujinaysa xaalada baahida bani’aadamnimada ee dunida taa oo horay loo arag tan iyo dagaalkii labaad ee dunida,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id, isagoo intaa ku daray in boqolkiiba 80 baahida ay ka dhalatay colaadaha, sida kuwa Suuriya, Ciraaq , Yemen, Nigeria iyo South Sudan.

Barnaamijka Cunada Aduunka (WFP), taas oo bilaawday wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee Yemen , ayaa ku qiyaastay in malaayiin dad ah ay qarka u saaran yihiin abaar ba’an.

Intaa waxaa dheer, dagaalladii muddada dheera ee Suuriya iyo Ciraaq ayaa keenay dhibaatada malaayiin qaxooti ah, iyo sidoo kale dadka gudaha ku barokacay.