Qoraal Facebook lagu dhigay oo ka nixiyey booliska Israel

Warbaahinta maxaliga ah ee Israel ayaa ku warantay in boolisku todobaadkii hore xidheen nin Falastiini ah ka dib markii qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook oo ahaa “subax wanaagsan” oo Af-Carabi ah, aaladda otomaatiga ah ee Facebook ay si khaldan ugu turjuntay “weerara” oo Af-Cibri ah.

Boolisku way xaqiijiyeen in nin dhismaha ka shaqeeya muddo kooban ay hayeen markii ay ka shikiyeen inuu colaad kicinayo laakiin markii dambe ee khaladka la ogaaday si deg deg ah loo sii daayey.

Qoraalka uu Facebook-ga ku qoray ee turjumiddiisu khaldantay waxa la socday sawir muujinaya cagaf cagaf kuwa dhismaha ah oo taagan Daanta Galbeed.

Cagaf cagafyada noocaas ahna waxa marar hore loo adeegsaday weerarro lagu qaaday Israel-iyiinta.

Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in ay xaraf keliya ku kala duwan yihiin weedha “Subax wanaagsan” ee Af-Carabiga suuqdiga ah iyo weedha “weerara” ee Af-Cibriga ahi.

Waxa kale oo wararku tibaaxeen in aan askarta Af-Carabiga taqaan midkoodna la tashan intaan ninkaa la xidhin, waxaana soo qabtay askar ku go’aan qaatay aaladda otomaatiga ah ee turjumidda Facebook.

Qoraalkaa muranka dhaliyey markii dambe waa laga masaxay Facebook-ga.

Waxa kale oo hore u dhacday in aaladda otomaatiga ah ee turjumidda shirkadda Google ay ku sheegtay dalka Ruushka Mordor oo ah eray aan looba fadhiyin. Kaas oo ah magaca gobol ka mid ah dhul male awaal ah oo ku jiray buugaagta sheeko xariirka ah ee Lord of the Rings. Waxaana kaba sii darraa oo aaladdaa Google ku sheegtay dadka Ruushka ah “gumeystayaal”