Rag lala Xiriirinayo Burcadbadeednimo oo Maxkamad lagu soo taagay Dalka India

Muwaadiin Soomaaliyeed ayaa ka soo muuqday Maxkamad ku talla Dalka India, kadib markii lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Maxkamada waxaa ka soo hor muuqday muwaadiin kale oo ka soo jeeda Dalalka Kenya iyo Ethiopia, kuwaasi oo loo heysto kiisas ku aadan burcad badeednimo.

Eedeysaneyaasha qaarkood ayaa waxaa soo qabtay Ciidamada Badda ee Dalka Hindiya, xili la sheegay in ay ku guda jireen falal burcadbadeednimo.

Maxkamadda ayaa markii ay Dhageysatay Kiiska Dacwadooda waxa ay shaaca ka qaaday in dib la isugu soo laaban doono.