Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo golihiisa wasiirada Isku shaandheyn ku sameeyey – AKHRISO MAGACYADA

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada ka dib mudaaharaadyo rabshado wata  oo horseeday in dalkaasi la geliyo xaalad deg deg ah.

Mr Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha maaliyada iyo arrimaha dibedda.

Barta ay dowladdu ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in baarlamaanka uu ansixiyay liiska cusub ee wasiirada

Isbeddaladan waxaa loo arkaa in dowladdu ay uga gol leedahay inay wax uga qabato cabashooyinka loo soo jeedinayay tan iyo sanadkii la soo dhaafay.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegeya in xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda Tedros Adhanom oo ay xulafo dhaw yihiin Ra’iisal wasaaraha aan loo arki doonin tallaabo yaab leh maadaama uu yahay musharrax u tartamayo hoggaanka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Newly appointed cabinet members:

1. Dr Workneh Gebeyehu – Minister of Foreign Affairs
2. Tagese Chafo- Minister of Public Service and Human Resource Development
3. Dr Abreham Tekeste- Minister of Finance and Economic Cooperation
4. Dr Bekele Gulado- Minister of Trade
5. Professor Fekadu Beyene- Minister of Livestock and Fishery
6. Dr Eyasu Abrha- Minister of Farming and Natural resources
7. Dr Engineer Getahun Mekuria- Minister of Science and Technology
8. Ahmed Shide- Minister of Transport
9. Dr Ambachew Mekonnen- Minister of Urban Development and Housing
10. Engineer Aisha Mohammed- Minister of Construction
11. Dr. Engineer Sileshi Bekele- Minister of Water, Irrigation and Eelectricity
12. Motuma Mekassa- Minister of Mines Petroleum and Natural Resources
13. Dr Gemedo Dale- Minister of Environmental, Forest and Climate Change
14. Dr Shiferaw Tekelemariam – Minister of Education
15. Professor Yifru Berhane- Minister of Health
16. Dr Girma Amente- Minister of Public Enterprise
17. Dr Hirut Woldemariam- Minister of Culture and Tourism
18. Demitu Hambissa- Minister of Women’s and Children’s Affairs
19. Ristu Yirdaw- Minister of Youth and Sports
20. Kebede Chane- Minister of Ethiopian Revenues and Costumes Authority
21. Dr Negeri Lencho- Minister of Government Communication Affairs Office