Ra’iisalwasaaraha Faransiiska Manuel Valls oo taageeray in laga mamnuuco waddanka dharka lagu dabaasho ee ay xirtaan gabdhaha muslinka.

Ra’iisalwasaaraha Faransiiska Manuel Valls, ayaa taageeray in laga mamnuuco meelo ka mid ah waddanka dharka lagu dabaasho ee ay xirtaan gabdhaha muslinka.

 Waraysi uu siiyay wargays Faransiis ah ee La Provence, Mr Valls, ayaa sheegay in dharka ay xirtaan dumarka ee Burkinis ay tahay mashruuc siyaasadeed oo u taagaan sii wadida hoos u dhiga dumarka, mana aha mid la socon karta waxa Faransiiska uu qiimeeyo.

Laakiin wuxuu sheegay mamnuucida dharka laga mamnuucay toddobo xeeb inaysan ahayn xal looga hortagayo weerarka islaamiyiinta ee Faransiiska ka dhacay.

 Ilaa hadda dhowr dumar ayaa lagu ganaaxay Cannes $43, ka dib markii ay ku xirteen burkini badda Cannes.

Duqa magaalada David Lisnard, ayaa isku dayay inuu faahfaahiyo go’aankiisa: “Burkini waxay u tahay calaamad islaamiyiinta mayalka adag. Sababtaas ayaan u mamnuucayaa waqtigan kulaylaha.”