Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wada hadlay xaalada guud ee uu dalka marayo.

Kulankan ayaa ka mid ahaa kulamo is daba-joog ah oo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed la qaadanayay Madaxda dalka, isagoo horay ula soo kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Jawaari.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaana Shariifka uu siiyay Madaxda talooyin kala duwan oo la xiriira xaalada dalka iyo sida wax looga qaban karo caqabadaha heysta dowladda

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Shariif booqashada uu ugu yimid xafiiskiisan, waxaana uu ku tilmaamay in Sheekh Shariif uu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay, mudaddii uu xilka hayay, xilligana uu diyaar u yahay in wixii tallo uu ku biiriyo madaxda dalka.

Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri Ra’iiul Wasaare Kheyre.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana tan iyo markii ay dhacday doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid deegaan ka dhiganayay Muqdisho, inkastoo dhowr jeer safaro uu dibadda ku aaday dib u soo laabtay.