Raisulwasaaraha Itoobiya oo Sheegay in Guulo Laga Gaaray Dagaalka Al-shabaab

Raisulwasaaraha dalka  Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa sheegay in guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.

Desalegn ayaa sheegay in ay aad ugu qanacsan yihiin xukuumadda iyo maamulka Soomaaliya maanta ka jira.

Sidoo kale Raisulwasaaraha dalka  Itoobiya Hailemariam Desalegn  oo ka hadlayay siyaasadda geeska Afrika ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ka jiraan waddamada geeska Afrika.

Raisulwasaaraha Itoobiya ayaa ka gaabsaday su’aalo dhowr ah oo ku saabsan Dowladda Eriteriya, waxaana uu si joogta tusaale ugu soo qaadanyay dowladda Soomaaliya isagoo ku celceliyay xiriirka sii kobcaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Raisulwasaaraha dalka  Itoobiya Hailemariam Desalegn kama hadlin Tilaabadii dowlada Soomaaliya ay ugu wareejisay Dowlada Itoobiya Sarkaal Katirsan ONLF