Runta ma fantaa!

Runta ma fantaa!

Bishii Febraayo 4, 1991, Awdal waxa qabsaday jabhadii la odhan SNM jiray ka dibna u xuub siibatay “Somaliland”. Illaa maantana dadka reer Awdal xoog baa lagu haystaa. Qof ka hadla tacadiga lagu hayo dadka Awdal ku dhacay amma waa la dilaa amma waa la xidhaa.

Waxa Awdal ku habsaday waa wax aan taariikhda ree Awdal soo marin. Dadka reer Awdal waxa lagula kacay waa wax noqon kara danbiyada caalamka ee laga galo bini’aadmiga. Dadka reer Awdal waa dadka ugu saboolsan dadka Soomaaliyeed. Cunaqabateeyn aan loo aaba yeelin oo dhankastaba ayaa lagu hayaa dadka reer. Ho noqoto dhan dhul, cireed, iyo badeedba.

Khayraadka dadka reer waxa lagu hayaa boob.

Su’aashu waxay tahay: aaway salaadiintii Awdal lahayd? Aaway shuyuukhdii? Aaway cuqaashii? Aaway waxgaradkii? Aaway siyaasiintii.

Juwaabtu waxay tahay. Dadkii reer Awdal waxa u taliya dad aan ka naxeeyn oo bilaa damiira ah.

Doolarkuna kala qiima badan yahay jiritaanka ummadooda.

Boorama hareeraheeda oo dhani waa wada xabaal. Dadkaana xabaalaha ku jirana waxa ubadan inta darxumo u dhimatay.

Dadka reer Awdal ee Saylac, Loy’ado, Ceel sheikh, Gabilay, iyo Wajaala dagana waad la socotaan wax dhib haysta.

Markaa cadawga koobaad ee reer Awdal waa dabadhilifka uu durmaan tuma cadawga, shacabka reer Awdalna isku dira.

Laakin gusha Awdal State baa leh. Maalin maalmaha ka mid ah dadkeenu weey xoroobi doonaan.