Sacuudiga oo $15 bilyan Maraykanka kaga soo iibsanaya qalabka difaaca casriga ee Thaad

Dowldda Mareykanka ayaa ogolaatay in Sacuudiga ay ka iibiso qalab casri oo difaac ah oo loo garamayo Thaad kaa oo ka hortaga gantaallada.

Waaxda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in heshiiska ku baxaya $15 bilyan oo dollar uu yahay mid dan ugu jirta amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Waxay arrintan xoojineysaa in Sacuudiga iyo dalalka Khaliijka ay iska difaacaan Iraan iyo halista kale ee gobolka ka jirta, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Arrinta ayaa timi ka dib markii heshiis dhanka hubka iyo difaaca ah uu dhexmaray boqorka Sacuudiga iyo madaxweynaha Ruushka.

“Heshiiskan waxba kama badali doono isu dheellitirnaanta militariga gobolka”, ayey sheegtay waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.

Qalabka Thaad waa kuwii ugu dambeeyay ee la geeyay Kuuriyada Koonfureed, si looga difaaco madaafiicda Kuuriyada Waqooyi.

Laakiin dad badan oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa diiday arrintaas. Waxay ka baqayaan in ay halis geliso nolosha dadka deggan meelaha qalabka lagu xiray.

Shiinaha ayaa sidoo kale diiday hanaanka Thaad in lagu xiro gobolka, waxayna sheegeen in ay dhibaato ku tahay isu dheelitirnaanta amniga gobolka.

Waxyaabaha uu ka hortago waxaa ka mid ah madaxyada nukliyerka oo uu ku burburin karo hawada sare ee ka baxsan dhulka.

Qalabka Thaad waxaa soo saarto shirkad Mareytkanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Lockheed Martin.


Muxuu yahay Thaad?

  • Wuxuu dhulka dhigaa madaafiicda ridada gaaban iyo kuwa ridada dheer marka ar hawada soo galaan.
  • Wuxuu ku shaqeeyaa teknolijiyad loo yaqaano aragti-ku-dil – Tamar loo yaqaano ‘oogada’ ayaa burburiso madaxyada gantaallada.
  • Wuxuu madaafiicda ka soo ridid karaa 200km oo dherir ah ama illaa 150km oo joog ah.
  • Mareykanka wuxuu qalabka Thaad geeyay jasiiradaha Guam iyo Hawaii, taas oo uu uga hortagayo weerar kastoo kaga imaan kara Kuuriyada Waqooyi.