Saddex ruux oo si kala gaar gaar ah loogu diley saaka magaalada Muqdisho

Saddex ruux oo si kala gaar gaar ah loogu diley saaka magaalada Muqdisho

by A M | Thursday, Apr 27, 2017 |

April 27 (Jowhar)— Kooxo hubeysan ayaa saaka si kala gaar gaar ah ugu dishay magaalada Muqdisho saddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen walaalo halka qofka kale uu ahaa sarkaal ka trisan ciidamada Nabadsugida.Dilalka oo ka  kala dhacay degmada Shibis iyo degmada Wadajir ah ayaa sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugida waxaa lagu diley meel ku dhow Isgoyska Maano-booliyo ee degmada Shibis.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay lagu magacaabo Maxamuud Xaaji Cali Cumar oo si weyn looga yaqaano Xaafada Maana-booliyo, waxaa uu ahaa Jeneraal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida. Sarkaalkan ayaa la sheegayaa in lagu hor-dilay meel u dhow gurigiisa oo uu fadhiyay. Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, iyagoo xir xiray dad ka ag dhowaa halka dilka uu ka dhacay.

Dilka kale ayaa la sheegay in loo geystey labo nin oo walaalo ahaa kuwaasoo lagu diley degmada Wadajir gaar ahaan Silliga Maraykanka. Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in ragga geystey dilka ay goobta ka baxsadeen.

labada ruux ee la diley ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Mustaf Maxamed Wehliye iyo Saney Maxamed Wehliye. Dilalkan qorsheysan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyadooda sheegata Al-Shabaab.