(07/08/2016) Safaaradda Soomaaliya ee Biljimka oo beenisay in dad aan Soomaali aheyn ay baasabooro siisay

Safaaradda Soomaalida ee Wadanka Beljium, iyadoo tex-gelineysa xorriyattul Qowlka iyo Madax-banaanida Saxaafada, waxa ay si cad u beenineysaa inaysan waxba ka jirin warkaasi oo ay warbaahinada qaarkood faafiyeen, isla markaana uu yahay mid aan sal iyo raad toona aan laheyn oo loogu been abuuranayo howlaha Safaarada.

safaarad-som-brussel-2

 Safaaradda waxa ay bulshada Soomaaliyeed la qeyb-saneysaa;
1- In marka horey aanan jirin wax Baasaboor ah oo ay bixiso Safaaradda Soomaaliya ee Beljium. Isla markaana uu website-yada qaarkood ay ka been abuurteen Safaaradda, iyagoo soo bandhigay sawir ah Baasaboorkii Cagaarnaa oo ay Soomaaliya istecmaali jirtay, taasi oo xaqiijinaya in warka uu yahay mid been abuur oo aan sal iyo raad laheyn. (Dowladda Soomaaliya waxa ay bixisaa Baasaboorka Cusub ee Electronica).
2- Safaaradda Soomaaliya ee Beljium waxa ay bixisaa War-qado Aqoonsi taasi oo la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoona ay tahay shaqada ay safaaradda u joogto uguna adeegto shacabkeeda, waxaana Dukumentiyadaasi Aqoonsan Dowlada Beljium, Wasaaradeeda Arrimaha Dibadda, Laanteeda Socdaalka, iyo Wasaaraddaha kale ay markaasi quseyso. Hadii uu qalad dhinaca Dukumentiyada ah jiro waxa ay wasaaraddaha quseeya iyo dowladdaba ay lasoo xariiri lahaayeen Safaaradda, taasoo iyaduna aan dhicin, waxeyna markale tusmadaan xaqiijineysaa amaba ay meesha ka saareysaa warkaan been abuurka ah.
3- Saxaafadda ama Warbaahinta. Marka ay war soo xiganeyso ama soo bandhigeyso  dhacdo waxa ay soo bandhigtaa cadeymo loo qaateyn ah oo muujinaya jiritaanka dhacdada, iyadoo loogu baahan-yahay in ay dhinacyada dhacdada quseyso ay la xariiraan, taasi oo aan iyaduna dhicin in lala soo xariiray safaaradda ama Wasaaraddaha  ku shaqada leh ee dhinaca Dowladda Beljium iyo Soomaaliya.
Hadaba Safaaradda iyadoo tex-gelin u heysa qeybaha warbaahinta iyo bulshada intaba, waxa ay dalbaneysa hadii ay jiraan cadeymo ku lug leh in safaaradda ay bixisay Baasabooro oo ay siisay Qaxooti aan soomaali aheyn si loogu cadeeyo Soomaali-nimadooda in lasoo bandhigo, oo bulshada iyo Safaaraddaba lala wadaago wax cad oo lagu qanci karo.
safaarad-somalia-brussel-1
Waxa ay Safaaradda ku baaqeysaa in bulshada laga daayo wal-walka iyo walaaca, isla markaana la wada dhowro Soomaali-nimada iyo Wadajirka si sumcada iyo sharafta Soomaaliyeed aan meel loogu dhicin.
 
WA-BILLAAHI TOWFIIQ
Safaaradda Soomaaliya ee Brussels