Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Tababar u Soo Xirtay Shaqaalaha Safaaradda – SAWIRRO

Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi Dalka Kenya, ayaa maanta tababar ku saabsan Siyaasadda u soo xirtay ku dhawaad 20 qof oo ka mid ah shaqaalaha ka how gala Safaaradda.

Danjire ku xigeenka ahna Qunsulka Koowaad ee Safaaradda,Maxamed A. Sheekh Cusmaan oo soo xiray tababarkan, ayaa sheegay in Safaaraddu ay ku dedaalayso sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga iyo awoodda shaqaalaha ka howl gala safaaradda.

“Hadafku waa in aan awood u yeelanno in aan si wanaagsan ugu shaqeyno Dalkeena, gaar ahaan in diplomaasiyiintu ay awood u yeeshaan fulinta Siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya. Aad ayaan ugu mahad celinayaa Dr. Ibraahim Bursaliid oo tababarkan fududeeyay iyo Shaqaalaha ka qeyb galay” ayuu yiri Maxamed Amiin.

Dr. Ibraahin Faarax Bursaliid, oo tababarkan bixinayay muddo Laba Toddobaad ah ayaa sheegay, in koorsooyinka noocan ah ay wax badan ku soo kordhin karaan howl-gallada dibedda ee Soomaaliya.

Ibrahim Bursaliid, ayaa si gaar ah u ammaanay Siyaasiyiintii ka qeyb galay tababarkan, kuwaasoo ka howlgala qeybaha ay Safaaraddu ka kooban tahay, wuxuuna ku dhiirri geliyay iney ku dhaqmaan waxa ay barteen.

SONNA/News

s19s18s17s16s15s14s12s11s10s9s8s7s6s5s4s3s2s1s7s6s5