Safiirka dawladda Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la hadlay ganacsatada gadoodsan ee suuqa Islii Nairobi – VIDEO

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu ganacsadaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, lana dhowro sharciyada waddanka Kenya.

Ka dib shir jaraa’iid oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Nairobi,ayuu Safiirku kaga hadlay xirnaashiyaha ganacsi ee maalmihii dambe ka jira xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ee Islii.

Danjire Jamaal, ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwa ganacsatada ah ku boorriyay in ay amniga xaafadda Islii ka shaqeeyaan, ayna u hoggaansamaan shuruucda dowladda Kenya.

“Sida aad maqasheen suuqa Islii maalmahaanba waa xirnaa, oo arrimo yar oo ganacsatada dhaxdooda oo kuwa waratada iyo kuwa dukaamadda leh ka dhaxaysa ah, waxaan rabaa in aan u mahad naqo dowladda Kenya sida ay arrintaan u soo dhax gashay, wax uga qabatay, runtii aad iyo aad bay u mahadsanyihiin” ayuu yiri Danjire Jamaal.

Safiirka ayaa rajo wanaagsan ka muuujiyay in la xalliyo khilaafka u dhaxeeya ganacsatada waratada ah iyo kuwa waaweyn, wuxuuna ballan qaaday in Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ay caawin doonto cid kasta oo Soomaali ah ee soo mutaysta Safaaradda.

Afartii  maalin ee u dambeeyay ayaa jahwareer ganacsi waxa uu ka jiray xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, taasi oo sababtay in ciidamo badan lagu soo daadiyo xaafadda, si ay ammaanka u xaqiijiyaan.