
Safiirka dowlada Ingiriiska u fadhiya dalka Boqortooyada Sucuudiga Simon Collis oo muslimay ayaa ka mid noqday malaayiinta Muslimiinta ah ee sanadkan dhamaysatay gudashada waajibaadka xajka.
Sawirka Simon Collis oo xiran dharka cadcad ee la xirto ayaa waxaa soo saaray bogeeda twitterka Fawziah Albakr oo ee Jaamacada Saud.
DanjireSimon ayaa Islaamay kadib muddo dheer oo uu ka shaqeynayey Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska.
Collis ayaa Islaamay sanadkii 2011kii kadib markii muddo soddon sano ah uu ka shaqeynayay dalalka Islaamka ah waxana uu dhowaan guursaday Huda al-Mujarkech sida ay shaacisay Warbaahinta Arab.
Safiirkan ayaa waxa ay xaruntiisu ahayd magaalada RIyad tan iyo sanadkii 2015. Hase yeeshee waxa uu hore ugaga soo shaqeeyay dalalka Syria,Ciraq,Qadar,Imaaraadka Carabta iyo Yemen.
Xaaska danjire Simon Collis oo horey u heysatay diinta Islaamka ayaa ugu hambalyeysay ninkeeda soo gelidda diinta Islaamka iyo gudashada xajka.
Simon Collis ayaa noqdayo Danjirihii ugu horreeyey ee Biritish ee Sucuudiga ee guta waajibka xajka kadib qaadshada diinta Islaamka.